Jarmalka oo Deeq ku wareejiyay Itoobiya, xili uu weli socdo dagaal xoogan

Safaarada Jarmalka ee magaalada Addis Ababa ayaa isbitaal ay leeyihiin ciidanka Itoobiya ugu deeqay agab caafimaad oo u dhigma  1 million oo Euro.

Madaxa waaxda caafimaadka ee ciidanka Itoobiya General Yilma Mekante ayaa sheegay in deeqdan ay wax weyn oo muhiim u tari doonto ciidanka .

Colonel Andrei Scoffis, oo ka socday ciidanka Jarmalka ayaa sheegay in dowladda Jarmalku ay sii wadi doonto taageerida ciidanka itoobiya.

Ciidanka Milateriga dowladda Itoobiya ayaa kuwa Tigree-ga ka qabsaday magaalooyin dhowr ah, waxaana dagaalka u dhexeeya labada dhinac uu galay todobadkii labaad oo xiriir ah, iyadoona uu jiro khasaaro lixaad leh oo ka dhashay dagaalkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media