James Swan oo Golaha Ammaanka u gudbiyay xaalado ka jira Somalia

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa warbixin ku saabsan xaaladda guud ee Soomaaliya ka siiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

James Swan ayaa sheegay in Soomaaliya ay qaadatay hanaanka doorasho oo is ogol ah sanadka 2021, kaasi oo ay ah mid ay tageereen qeybaha bulshada, isla markaana ay ku wada heshiiyeen Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyadoo ay ansixiyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Mr James ayaa amaanay dareenka isku tanaasulka ah oo ay heshiiska ku gaareen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada qeybta ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Si aan sare u qaado wada hadalka Soomaaliya, waxaan bilaabay dhawaanahan booqasho xiriir ah oo aan ku tegayay Caasimadaha Mamaul Goboledyada, waxaana igu wehliya Wakiilada Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ee Soomaaliya, sidoo kale waxaan ogahay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu bilaabay booqashada maamul Goboleedyada, uuna sii wado wada hadalka uu la leeyahay Madaxda Mamaul Goboleedyada, arrintan oo ah talalabo aan soo dhaweynayo” ayuu yiri James Swan.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay in sanadka soo socda ay noqon doonto sanad kala guur ah, kaasi oo Soomaaliya ay hogaamin doonto mas’uuliyadda arrimaha ammaankeeda.

Dhanka arrimaha Beni’aadannimada waxa uu sheegay in weli ay baahidu taagantahay, dalkana ay heystaan saddex arrimood oo waa weyn oo kala ah COVID-19, fatahaadaha iyo Ayaxa. Mr Swan ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo qorshaha wada shaqeynta shanta sano ee ay kala saxiixdeen dowladda Federaaka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media