James Swan oo Farriin Taageero ah u diray Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, James Swan waxa uu Fariin u diray Xildhibaanadda Labada Gole oo uu Shirweynahooda 7-aad maanta ka furmay magaalladda Muqdisho.

Ergayga waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu Fariin Taageero u diro Furitaanka Kalddhiga 7-aad ee Xildhibaanadda oo uu ku bogaadiyey Xildhibaanadda sida ay ugu heelan yihiin inay xaqiijiyaan Hawlaha Barlamaanka, inkastoo ay jiraan caqabadaha ka dhashay COVID 19.

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, James Swan waxa kaloo uu tilmaamay isagoo ku hadlayo magaca bahda QM inuu jecel yaahay inuu muujiyo inay garab taagan yihiin DFS iyo Dadweynaha Soomaaliyeed ee wajahaya caqabaddan caalamiga ah.

“Indhaha Saaxiibadda Somalia iyo kuwa dadka Soomaaliyeed waxay soo eegayaan BFS, idiinkoo gudagalaya shaqadiina aad horey ugu sii wadaan Arrimaha Degdega ee mudnaanta leh” ayuu yiri James Swan oo intaasi ku daray inay ka mid yihiin shaqada la xiriirta Doorashooyinka Qaranka ee soo socda, Wax-ka-bedelka Sharciga Xisbiyadda Siyaasadda iyo Ka-baaraan-degida Warbixinta Guddiga Wadajirka ee Ku-meel-gaarka ee Sharciga Doorashadda iyo Hadal-jeedinta Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashada Qaranka.

Dhinaca kale, Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, James Swan waxa kale uu Qoraalkiisa ku sheegay inay Somalia marayso Marxallad Xasaasi ah, iyadoo Xildhibaanadda BFS qeexi doonaan wadada ay Somalia u marayso Dimuqraadiyad iyo Xasilooni oo sanado badan socota.

Ergayga QM ee Arrimaha Somalia waxa uu ku dhiiri-geliyey Xildhibaanadda inay isku keenaan dhamaan Saamileyda ay Talada ka go’do, si loo xoojiyo Dib-u-heshiisiinta, Isafgarad Wada-oggol ah iyo xalinta Caqabadaha dalka ka taagan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media