James Swan oo Baaq Deg-deg ah u diray Madaxda Maamul Goboleedyada

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa soo saaray Baaq Deg-deg ah oo ku socda Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada dalka ka jira.

James Swan oo shalay ka qeyb galay Doorashadii Aqalka Sare ee Somaliland ee ka dhacday Muqdisho ayaa maamul Goboleedyada ka dalbaday inya si degdeg ah u soo dhameystiraan xubnaha ka haray doorashada Senatarada Aqalka Sare.

Waxaa uu tilmaamay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya in muhiim ay tahay dhameystirka doorashada kuraasta harsan ee Aqalka Sare, si loogu diyaar garoobo doorashada Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Jubbaland ayaa xubno ay u dhiman yihiin, marka laga reebo xubnaha shanta ah Aqalka Sare ee Somaliland oo la filayo in Maanta oo khamiis ah lasoo gaba-gabeeyo.

Si kastaba  Beesha Caalamka ayaa hore Madaxda maamulada Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug uga dalbaday dardar-gelinta howlaha doorashooyinka, si aysan dib u dhac ugu imaan doorashada, hayeeshee Jadwalo doorasho oo lasoo saaray ayaa dhowr hirgeli waayay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor