James Swan “Musuq-maasuqa wuxuu caqabad ku yahay Dowlad-dhisidda & Nabadda”

Guud ahaan Caalamka ayaa Maanta oo ay ku beegan tahay 9-ka Diseembar laga xusayaa Maalinta Caalamiga ah ee La-dagaallanka Musuq-maasuqa, iyadoo ujeedadu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga ku saabsan arrimaha musuqmaasuqa iyo doorka UNCAC ee ka hortagga iyo la dagaalanka.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan oo ka qeyb galayay Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee La-dagaalanka Musuqmaasuqa, ayuu ka hadlay muhiimadda ay leedahay dhismaha hay’addo isla xisaabtanka iyo hufnaanta leh, isaga oo soo dhoweeyay horumarka dowladda Soomaaliya ka sameeysay La-dagaalanka Musuqa.

James ayaa sheegay inuu Musuqa caqabad wayn ku yahay horumarka, isla markaana uu wiiqayo dedaallada ku aaddan dowlad-dhisidda, nabadda iyo dib-u-heshiisiinta, sidoo kalena uu hoos u dhigayo kalsoonida shacabka, hay’adaha dowliga ah iyo awooddooda.

“Iyadoo taa la eegayo, Qaramada Midoobay waxaa dhiirigeliyey ku biirista Soomaaliya ay dhowaan ku biirtay Axdiga Qaramada Midoobay ee ka hortagga musuqmaasuqa,..Tani waa tallaabo muhiim ah oo horay loo qaaday” ayuu yiri James Swan.

Axdiga Qaramada Midoobay ee ka dhanka ah musuqmaasuqa (UNCAC), oo ay Soomaaliya ka noqotay xubin-Dowladeed 11-kii Agoosto 2021 ayaa ah aalad caalami ah oo muhiim ah oo lagu joogteeyo, lagu maareeyo lagulana socdo dagaalka waddamada ee ka dhanka ah musuqmaasuqa. Waa aaladda kaliya ee si sharci ah ugu xiran adduunka ee la dagaalanta musuqmaasuqa.

“Qaramada Midoobayda Soomaaliya waxa ay soo dhowaynaysaa sida ay uga go’an tahay Dowladda Faderaalka ah dhanka hirgelinta dib-u-habaynta lagu xoojinayo dawladnimada iyo in la yareeyo u nuglaanshaha musuqmaasuqa. Ballanqaadkan waxa caddaynaya magacaabista guddiyada madaxa bannaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa bishii Maajo 2021”

“Waxaan ku boorineynaa dhammaan laamaha dowladeed inay qaadaan tallaabooyin dheeraad ah si loo ilaaliyo daacadnimada iyo isla xisaabtanka maamulka maaliyadda iyo tas-hiilaadka dadweynaha iyadoo la xoojinayo qaababka sharciga iyo hay’adaha ee ka dhanka ah musuqmaasuqa islamarkaana la adeegsanayo dhaqangelin adag iyo tallaabooyin ciqaabeed,” ayuu yiri Mr. Swan Wakiilka QM ee Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor