Jabuuti: Tirada dadka laga helay Cudurka Coronavirus oo korortay

Dawladda Jabuuti ayaa maanta ku dhawaaqday kiisas cusub oo ah cudurka Coronavirus kuwaasi oo tiradoodu dhan tahay 72, iyada oo ay sii kordhayaan dadka uu haleeyao cudurka.

Kiisaska maanta ay ku dhawaaqday ayaa ah kuwii labaad ee ugu badnaa ee dalka laga diiwaan geliyo muddo 24 saac gudahood ah.

Kiisaska cusub ee maanta la shaaciyey ayaa waxa ka dhigaysaa wadarta kiisaska guud ee dalkaas laga diiwaan-geliyey 435 qof oo laba ka mid ah ay dhineen.

Dadka uu soo ritay cudurkan ayaa u badan ajaaniibta, maadaama dalka Jabuuti ay ku yaallaan saldhigyo ciidan ay ku leeyihiin dalal dhowr ah.

Jabuuti ayaa ka mid ah meelaha uu sida weyn u saameynayo cudurka halista ee Coronavirus oo kusii faafaya Caalamka oo dhan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media