Jabuuti oo loogu deeqay Doonyaha dagaalka, si loogu ilaaliyo Xeebaha Jabuuti, Somalia iyo Yemen.

 

Ra’isul-wasaaraha dalka Jabuuti, C/qaadir Kaamil Shukri ayaa uga mahadceliyey Dowladda Sacuudiga Kaalmadda Milliteri ee ay ugu deeqeen Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha ee Jabuuti.

Hadalkiisa ayaa soo baxay, kadib, markii ay Dowladda Sacuudiga ka guddoomeen dhowr Doonyaha dagaalka ee dheereeye oo loogu talagalay in lagu ilaaliyo Xeebaha Jabuuti iyo Gacan-biyoodka Baabul-mandab ee u dhexeeya Somalia iyo Yeman.

Kaalmaddaasi ayaa timid, iyadoo ay Dowladda Sacuudiga culayska saarayso sugidda Ammaanka Badda Cas, halkaasi oo marin muhiim u ah Maraakiibta  Xamuulka ee Calaamka.

Gacan-biyoodka Baabul-mandab ee Badda Cas waxaa sannadkiiba ka gudubta 30,000 oo markab iyo xamuul shidaal oo dhan Afar million oo Fuusto.

© Radio Dalsan

DJIBOUT 2

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor