Jabuuti iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya  oo ka wada hadlay arrimaha labada dal

Madaxweynaha Jabuuti  Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku qaabilay xafiiskiisa wasiirka arrimaha dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya  Feysal bin Farxaan bin Cabdullaahi  oo booqasho ku tegay dalka Jabuuti.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga iyo madaxweynaha Jabuuti ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga ka dhaxeeya labada dowladood ee walaalaha ah.

Labada dhinac ayaa sidoo kale, ka wada hadlay horumarka ka socda gobalka iyo arrimaha caalamiga ah ee saameynta ku leh labad dal, sida ay sheegtay wakaaladda wararka  Sacuudiga.

Kulanka waxaa goob joog ahaa wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti mudane Maxamuud Cali Yuusuf iyo mas’uuliyiin kale oo ka socda labada dal.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor