Jabhadda TPLF oo laga qabsaday degaanno hor leh

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Itoobiya ayaa waxay baahiyeen ciidamada dowladda dhexe ee Itoobiya oo uu hoggaaminayao Ra’isal wasaare Abiy Axmed inay dagaalka guulo ka soo hoyayaan.

Guulahaasi ayay ku sheegeen inay ku qabsadeen magaalooyinka Ajbaar, Tinta iyo Doba.

Dowladda ayaa sheegtay in maamulkii ka arriminayay goobihii TPLF laga qabsaday ay shaqooyinkooda dib uga billaabeen.

Dhanka kale warbaahinta afka fallaagada TPLF ku hadasha waxay sheegeen dagaalka ay kula jiraan dowladda Itoobiya inay sii wadayaan tan iyo inta ay xukunka ka tuurayaan ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

TPLF waxa kale oo ay sheegtay waxa ay u dagaallamayan inay ahayn oo keliya xuquuqda qowmiyadda Tigreega balse ay u dagallamayan xorriyadda qowmiyadaha Itoobiya oo dhan iyaga oo carrabka ku dhuftay qowmiyadaha Soomaalida, Oromada, Cafarta, Sidaamada, iyo waxa lamid ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor