Jabhadda Tigrey oo ka jawaabtay Eedeymo ay u soo jeediay Qaramada Midoobay

Fallaagada Tigreega ee TPLF ayaa Jimcihii beenisay in magaalada Kombolcha ee waqooyiga Itoobiya ay ka bililiqeysteen kayd cunto ah oo loogu talagalay carruur ay nafaqo-xumo hayso.

Diidmadan ayaa imaanaysa maalin kadib markii afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric uu sheegay in hay’ada Cunada Aduunka ee WFP ay joojisay qaybinta raashinka kadib “bililiqo maalmihii la soo dhaafay loo geystay bakhaarro ku yaala Kombolcha, sida muuqatana ay geysteen qaar ka mid ah fallaagada Tigrayga iyo xubno ka tirsan dadka deegaanka”.

Wuxuu sheegay in la xaday “cunto aad u badan, oo ay ku jiraan waxyaabaha nafaqeynta ee carruurta ay hayso nafaqo-xumada”.

TPLF ayaa bayaan ay soo saartay Jimcihii ku sheegtay in arrimahaan ay yihiin “eedeymo aan sal iyo raad ahayn”.

TPLF ayaa dhanka kale “Hay’adaha Qaramada Midoobay, gaar ahaan WFP” ku eedaysay inay “ka gaabiyeen ama ka caga jiidayaan” qaybinta gargaarka bini’aadantinimo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor