Jaamacadda Carabta oo Maanta Qalab iyo Daawooyin ku wareejisay Dowladda Somalia

Wasiirka Caafimaadka XFS Dr Fawziya Abikar Nur oo uu wehliyo Wasiir xigeenka Dr Axmad Xuseen macalin (Dr.Gureey) ayaa maanta ka guddoomay Golaha Wasiirada Caafimaadka ee Jaamacadda Carabta agab Caafimaad oo isugu jira qalab iyo Dawooyinka lagula tacaalo Bukaanada uu soo rito cudurka COViD-19.

Agabkan ay Jaamacadda carabta ku deeqday dowladda Soomaaliya ayaa dhan 11 Ton,  waxaana fududeeyey soo daabulidiisa Dawladda Masar.

Munaasabad lawareegida  agabkan waxaa  kasoo qeyb galay Safiirka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya, Siihayaha Safaaradda Masar ee Soomaaliya, Wasiiro iyo Masuuliyiin kasocotay Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya. Ugu danbeyntii Wasiiradda Caafimaadka Dr Fawziya Abikar  ayaa uga mahadcelisay golaha Wasiirada Caafimaadka ee Wadamada Carabta oo deeqdan soo gaarsiiyay Wasaaradda caafimaadka Federaalka ee Soomaaliya, waxeey sidoo kale mahadcelin iyo bogaadin u dirtay Dawladda Masar oo fududeysay soo daabulida deeqdan.

Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya ayaa dhawaan kamid noqotay golaha fulinta Wasiirada Carabta kaasi oo ay ku midaysanyihiin lix wadan. Dr. Fawziya Abikar  ayaa ku muujisay muhiimadda ay u leedahay dawooyinkan gaar ahaan  xakameynta COVID-19.

Safiirka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya Salaax Al Junaid ayaa balan qaaday in la joogteeyn doono deeqaha ka yimaada Jaamacadda Carabta.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor