Itoobiya: Tirada dadka laga helay Cudurka Coronavirus oo korortay

Wasiirka Wasaarada Itoobiya Dr LIYA TAADHASE ayaa sheegtay in 24 kii saac ee lasoo dhaafay baaritaano lagu sameeyay 659 qof oo 9 ka mid ah laga helay Cudurka Coronavirus.

9-ka qof ee laga Cudurka 8 ka mid ah waa Itoobiyan, midka kalana waxa uu udhashay Equatorial GINI, sidoo kalena 6 ka mid ah dadkaas waa kuwo ka yimid Dibada, 3-da kalana waxay xiriir la sameeyeen dad qaba COVID-19.

Sidoo kale4 waxa ay ku sugan yihiin xarunta karantiilka ee ku taalla Magaalada Addis ababa, 3-na waxay ku jiraan Xarunta karantiilka Diridhabe, iyagoona ka yimid Jabuuti.

Wasiirka Caafimaadka dalka Itoobiya ayaa tilmaamtay in 24-kaac ee lasoo dhaafay uu Cudurka ka bodsaday hal ruux, halka mid kalena uu jiro qolka lagu dabiibo dadka xaaladoodu daran tahay.

Tirada guud ee Cudurka Coronavirus dalka Itoobiya laga helay ayaa gaartay 105 qof ,waxaana xarunta karantiilka ku jira oo lagu daweynayaa 84 qof.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media