Itoobiya oo weeraro hor leh ku burburisay Xarumo ay lahaayeen Tigreey

Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamada cirka ay burburiyeen xarun tababar oo kooxaha mucaaradka Tigreegu ay ku lahaayeen caasimadda gobolka Mekelle ee ay ka jiraan qalalaasaha.

Wasaaradda adeegga isgaarsiintu Itoobiya ayaa sheegtay in goobta la weeraray ay aheyd xarun lagu abaabulo,laguna tababaro ciidamo la dagaalama dowladda Itoobiya,wuxuuna intaa ku daray in xaruntaasi la burburiyay ay aheyd mid ay horay u lahayd dowladda federaalka Itoobiya.

Xukuumadda dalkaasi ayaa maalinimadii shalay sameysay illaa sadex isku day oo lagu bartilmaameedsaday gobolka Mekelle ,waxayna ciidamada cirka ay sheegteen guulo iyo in ay difaaceen dadkooda.

Getachew Reda, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan TPLF, ayaa ku eedeeyay xukuumadda inay beegsanayso dadka rayidka ah,isagoo intaa raaciyay in la weeraay deegaano u dhow Lachi oo ah xaafad ay dagan yihiin dad shacab ah.

Farhan Haq, ku xigeenka afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa sheegay in dad rayid ah oo aan waxba galabsan lagu waxyeelleeyay weerarada cirka ee socday toddobaadkaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor