Itoobiya oo wali daba joogta saraakiil ka tirsan TPLF

Taliye ku xigeenka ciidanka Itoobiya Gen. Abebaw Tadesse ayaa magaalada Mekelle kulan kula yeeshay saraakiisha sar sare ee ciidanka Itoobiya .

Sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhiga Itoobiya kulanka ayaa u jeeskiisu ahaa qaabkii loo qaban lahaa oo cadaalada loo keeni lahaa madaxda baxsadka ah ee TPLF.

Ciidanka Itoobiya waxay sheegeen in uu dhamaaday dagaalka  balse iminka uu bilowday ugaarsiga xubinta TPLF gaar ahaan saraakiisha hogaamineysay.

Inkastoo ciidanka Itoobiya 28-kii bishii la soo dhaafay ee November la wareegeen magaalada Mekelle  ee xarunta Tigray hadana wali ma dhamaan colaada gobalkaasi.

TPLF ayaa ka da gaalameysa dhulka keymaha iyo buuraha ah ee gobalka waxaana shaqaalaha gargaarka ay sheegayaan in xitaa nawaaxiga magaalada ay ka dhacaan dagaalo goos goos ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media