Itoobiya oo Eedeyn Culus u jeedisay Masar oo Khilaaf kala dhexeeyo

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa sheegtay in ujeedada Masar ay ku dooneyso biyaha Wabiga Nile iney keligeed isticmaasho in ay caqabad ku noqoneyso wadahadallada seddex geesoodka ee socda.

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Gaduu Andargachew oo qabtay shir jaraa’id oo ku saabsan wadahadallada seddex geesoosdka ee u dhaxeeya Masar, Itoobiya iyo Suudaan oo maalintiisi Shanaad socda ayaa sheegay mowqifka Masar ay ku adkeysaneyso ee ah in siday iyadu rabto oo keli ah la yeelo taas oo wadahadalka caqabad ku ah.

Wasiirku wuxuu sheegay in Masar ay ku adkeysaneyso sida caadadaba u ahayd labadi mowqif oo lagu yaqiinnay.

“Masar – lugna wadahadalka seddex geesoodka ayey kula jirtaa lugna waxay saaratay golaha aammaanka ee qaramada midoobay,” ayuu yiri.

Wadahadallada hadda socda ee u dhaxeeye Itoobiya, Masar iyo Suudaan waxaa dhexdhexaadinaya Midowga Yurub, Mareykanka iyo Koonfur Afrika oo haatan ah guddoomiyaha Midowga Afrika.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media