Isu soo bax lagu taageerayay Cali Guudlaawe iyo ku-xigeenkiisa oo ka dhacay Jowhar

Isku soo baxaani oo ay ka qayb qaadanayeen qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah ayaa lagu taageerayay Madaxweeynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Madaxweeyne ku-xigeenka Dowlad Gobaleedka Hirshabeele Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) oo maalintii shalay ay doorteen Baarlamaanka Dowlad Gobaleedka Hirshabeele.

Banaanbaxayaasha ayaa socod dheer ku soo maray xaafadaha kala duwan ee degmada Jowhar, kuwaasi oo ku dhawaaqayay hal ku dhigyo ay ku taageerayaan Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa.

Isku soobaxani waxaa kaloo ku soo biiray Maamulka Degmada iyo kan Gobalka Shabeelaha Dhexe, iyagoo sitay boorar ay ku taageerayaan Madaxda cusub ee Hirshabeelle, kana rajeeyay inay la yimaadaan isbadal dhanka horumarka ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media