Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Israsaaseyn xoogan oo socotay muddo daqiiqado oo Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhexmartay Isgoyska Ex-koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho.
Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay ku warrameen in Israsaaseynta dhexmartay Ciidamada dowladda ay ka bilaabatay mudan la xiriira Lacag laga qaado gaadiid laga raro Isgoyska Ex-koontarool Afgooye ee Muqdisho, waxaana la maqlayay dhawaqa rasaas xoogan oo labada Ciidan ay isdhaafsanayeen.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay israsaaseynta oo soo kala gaaray labada Ciidan iyo dad shacab ah oo goobta ku sugnaa, waxaana la xaqiijiyay inay ku dhinteen saddex qof oo mid Haweeney ay tahay, halka qof kalena uu dhaawacmay.
Inta ay socotay Israsaaseynta dhexmartay Ciidamada dowladda ayaa waxaa istaagay isku socodka gaadiidka iyo dadka ee Isgoyska Ex-koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho, waxaana muuqaalo la duubay lagu arkayay dadka oo halkaas isaga kala cararaya.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka SOomaaliya oo ay uga hadlayaan israsaaseyntii ka dhacday Isgoyska Ex-koontarool Afgooye, taas oo ka bilaabatay muran ku saabsan lacago laga qaado Gaadiid Isgoyska laba raro.
Si kastaba Magaalada Caasimadda ee Muqdisho ayaa waxaa sidaan oo kale uga dhacay Israsaaseyn dhexmartay Ciidamo ka wada tirsan kwua dowladda Federaalka, kuwaasi oo geystay khasaaro nafeed oo gaaray Askar iyo shacab.