Israsaaseyn Khasaaro geysatay oo ka dhacday Magaalada Garoowe

Wararka aan ka heleyno Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas xalay saqdii Dhexe ay ka dhacday Israsaaseyn Khasaaro geysatay.

Israsaaseynta ayaa sigaar ah uga dhacday Albaabka hore ee Isbitaalka guud ee Garoowe, taasi oo dhexmartay Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Maamulka Puntland  iyo rag hubeysan.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa ay u sheegeen in Israsaaseynta ay timid, kadib markii ragga hubeysan ay is hor istaag ku sameeyeen Aas la doonayay in loo sameeyo Sarkaal ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland oo shalay ku geeriyooday dagaal dhexmaray Ciidamo ka wada tirsan Maamulkaas.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Israsaaseyntii ka dhacaday Garoowe ay ku dhaawacmeen laba qof oo mid uu yahay Askari Ciidanka, kuwaasi oo la dhigay Isbitaalka Garoowe, sidoo kalena waxaa gacanta lagu dhigay ragii hubeysnaa ee diidanaa in la Aaso Marxuumka, isla markaana markii dambe la Aasay.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka maamulka Puntland oo ay uga hadlayaan shaqaaqadii Khasaaraha geysatay ee xalay ka dhacday Magaalada garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media