Israsaaseyn Khasaaro geysatay oo Caawa ka dhacday duleedka Garoowe

Wararka Caawa aan ka heleyno duleedka Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Israsaaseyn kooban ay ku dhexmartay Ciidamo ka wada tirsan Maamulka Puntland.

Israsaaseynta ayaa sigaar ah uga dhacday agagaarka Maqaayad lagu magacaabo Kallis, waxaana rasaasta ay timid, kadib markii Ciidamada ay iska shakiyeen, maamada xili habeen ah ay tahay uuna halkaas ka jiro Bandow.

hal Askari oo kamid ah Ciidanka Puntland ayaa ku geeriyooday Israsaaseynta, halka laba kalena dhaawac uu soo saaray, kuwaasi oo loo soo qaaday Isbitaalka weyn ee Magaalada Garoowe.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Saraakiisha hogaamineysay Ciidanka Israsaaseyay ay markii dambe is fahmeen, iyagoona sheegay in rasaasta ay ku bilaabatay si kedis ah.

Ciidamo ka wada tirsan Maamulka Puntland ayaa waxaa dhowr jeer dhexmartay Israsaaseyn geysatay Khasaaro kala duwan, waxaana ugu dambeysay Jimcilihii lasoo dhaafay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media