Israsaaseyn ka dhacday Magaalada Guriceel iyo dad ku dhintay

Faah faahinno dheeraad ayaa kasoo baxaya Israsaaseyn goordhaweyd ka dhacday magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, waxana soo baxaya faah faahiino dheeraada h oo ku aaddan dhacdadaasi.

Israsaaseynta ayaa la sheegay in uu ka dhashay khasaaro kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac leh.

Inta la xaqiijiyay Hal askari ayaa ku dhintay halka ay ku dhaawacantay Gabar shacab ah israsaaseynta oo ka dhalatay goob lagu bixinayay kaarar oo ku taala Magaalada Guriceel gaar ahaan aaga Shimbira-oonshe.

Wararku waxaa ay intaas ku darayaan in Falkaasi uu  yimid kadib markii ay isku dhaceen Askar goobta ku sugnayd iyo dadka shacabka ah kadibna halkaas uu ka dhashay buuq sababay dhimashada iyo dhaawaca, waxaana la soo sheegayaa in hadda ay xaaladdu deggan tahay.

Wali maamulka Degmada wax war ah kama soo saarin dagaalka, waxaana goobta shaqaaqadu ka dhacday lagu soo warramayaa in ay gaareen Ciidanka ammaanka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor