Israsaaseyn Goordhow ka dhacday Baladweyne iyo xiisad taagan

Wararka aan ka heleyno Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas Goordhow ay Israsaaseyn ku dhexmartay Ciidamo kala taabacsan Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan ee xilka qaadista lagu sameeyay iyo Guddoomiyaha Cusub ee Gobolkaas.

Israsaaseynta ayaa timid, kadib markii Guddoomiyaha Cusub ee Hiiraan Cali Jeyte Cismaan uu saakay galay mid kamid ah Xafiisyada uu ku shaqeeyo Maamulka Gobolka kuna yaalla meel aan sidaas uga forey Guriga uu degan yahay Cali Muxumed Caraale, sidaasina ay rasaasta ku bilaabatay.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya inay maqlayeen rasaas daqiiqado socotay oo ay isdhaafsanayeen labada Ciidan, wallow markii dambe ay istaagtay, mana jiro wax Khasaaro ah oo ka dhashay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in xiisad Maanta ay ka taagan tahay agagaarka Xarunta uu ku shaqeeyo Maamulka Gobolka Hiiraan, waxaana halkaas isku hor fadhiya Ciidamo kala taabacsan Guddoomiyihii Hiiraan ee xilka qaadista lagu sameeyay ee Cali Caraale iyo Guddoomiyaha Cusub ee Cali Jeyte Cismaan oo dhawaan la magacaabay.

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa socday dadaalo lagu xaliyo Khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay xilka qaadista Cali Caraale, hayeeshee waa ay fashilmeen, waxaana weli Caraale uu sheegayaa inuu yahay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media