Israa’iil oo ku hanjabtay in ay bur-burin doonto barnaamijka Nukliyeerka Iraan

Iyadoo Israa’iil ay ku hanjabtay inay burburin doonto barnaamijka Nukliyeerka ee Iraan haddii loo baahdo, isla markaana ay qaadayso tillaabo milatari, haddana qaar ka mid ah saraakiisha gaashaandhigga ayaa sheegay in Israa’iil aysan awood u yeellan doonin arrintaasi marka hadda la eego sida xaal yahay.

Warbixin lagu daabacay wargeyska New York Times, ayuu wasiirka gaashaandhigga Israa’iil Bani Gantz ku amray ciidamada Israa’iil inay u diyaar garoobaan hab milatari oo ay ku wajahaan dhaq-dhaqaaqyada Nukliyeerka ee Iraan, iyadoo dadaallo dublamaasiyadeed la sameeyay si loo xakameeyo barnaamijka Nukliyeerka ee Iran.

Mr Gantz ayaa uga digay caalamka in hadii heshiiska cusub ee Nukliyeerka uusan ahayn xadidaad ku filan Iraan ay Israa’iil la wareegi doonto.

Balse Wargeyska The New York Times ,oo soo xiganaya saraakiil badan oo hadda ka tirsan milatariga Israa’iil iyo kuwo hore uga tirsanaa iyo waliba khubaro sarsare ayaa sheegay in waddanku aanu lahayn awood uu ku fuliyo weerar burburin kara ama xataa dib u dhigaya barnaamijka Nukliyeerka ee Iran.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor