Islamic Jihad oo guul ka sheegatay dagaalkii Qaza ka dib xabad joojintii ay wada-gaareen Israa’iil

Warshada Korontada ee kaliya ee ku taal Qaza ayaa dib u bilowday shaqadeeda koronto dhalinta, ka dib markii ay heshiis xabad joojin ah kala saxiixdeen Israel iyo dagaalyahanada Islamic Jihad.

Xuduudda ayaa dib loo furay waxaana dib u bilowday keenista shidaalka muhiimka ah; isbitaallada ayaa sheegay in ay la daalaadhacayaan agab la’aan soo wajahday.

Xabbad joojinta oo ay garwadeen ka ahayd Masar, ayaa u muuqata in ay soo afjartay saddex maalmood oo colaad ah, oo ay ku dhinteen in ka badan afartan Falastiiniyiin ah.

Israa’iil ayaa duqeysay wax ay ku sheegtay in ay yihiin goobaha Jihaadka Islaamiga ah ee Gaza,halka kooxdan hubeysani ay boqolaal gantaal oodda uga qaadday Qudus iyo Tel Aviv.

Islamic Jihad ayaa ku dhawaaqday guul inkastoo ay waayeen labo taliye oo sarsare.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor