Iskaashiga Dowladaha Sacuudiga, Somalia, Djibouti iyo Ethiopia ee Ammaanka Gacanka Cadmeed

Ilo Diplomaasi ayaa waxay sheegeen in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dabayaaqadda bishan October booqasho rasmi ah ku tegi doono Caasimadda dalka Boqortooyadda Sacuudiga ee Riyadh.

Casuumaadaasi ayaa qeyb ka ah Dhaqdhaqaaq Dipolomaasiyadeed oo uu Boqorka Sacuudiga, Salmaan Bin C/casiis Al-sacuud ku doonayo in lagu xoojiyo Iskaashiga Dipolomaasiyadeed iyo Milliteri ee Sacuudiga la leeyahay Dowladaha Somalia. Jabuuti iyo Ethiopia, si looga hortago Joogitaanka Ciiddanka Badda  Iiraan  ee ku sugan  Xeebaha dalka Yemen iyo Gacan-biyoodka Baabul-mandabka.

Dowladda Sacuudiga waxay shaki xooggan ka qabtaa Saldhigyadda ay Iiraaniyiinta ka samaysteen dhowr Jesiiradood oo ku yaalla dalka Eritrea iyo Taageeradda Milliteri ee ay Iiraaniyiintu siiyaan Maleeshiyadda Xuutiyiinta ee ka dagaalamaya Yemen.

Sidoo kale, Boqorka dalka Sacuudiga, Salmaan Bin C/Casiis Al-Sacuud waxa u qorsheysan inuu maanta la kulmo Madaxweynaha dalka Jabuuti, Md. Ismail Omar Gelle, si ay uga tashadaan Xalladihhii ugu dambeeyey ee Mandiqadda, Ammaanka Badda Gobalka iyo sidii looga hortegi lahaa Shixnadaha Hubka ee ay Iiraan u gudbiyaan Maleeshiyadda Xuutiyiinta Yemen.

Dhinaca kale, Boqorka Sacuudiga waxa uu Toddobaadka dambe la kulmi doono Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Haile-marian Desalegn Boshe, si ay uga wada arrinsadaan Iskaashiga cusub ee Gobalka iyo Ka-hortagga Khatarta Is-ballaarinta Iiraan ee Mandiqadda, La-dagaalanka Xuutiyiinta, Alshabaab, Alqaacida, Burcad-baddeeda, Tahriibka iyo Hubka Kontorobaanka.

Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin Abokor Ahmed

Xigasho:  ANADOLU NEWS AGENCY

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor