Isimada Puntland oo baaq kasoo saaray Xaaladda Cakiran ee Boosaaso

Isimada dhaqanka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa soo baaq nabadeed oo ku aaddan dagaalka Saaka mar kale dib uga qarxay magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Dowlad Goboleedka Puntland.

Qoraal kasoo baxay Isimada Puntland e ku sugan Boosaaso ayaa loogu baaqay in dhacyada dagaalamaya ay dagaalka si shuruud la’aan ah ku joojiyaan, loona turo dadka shacabka ah ee dhibaataysan ee ilaa shalay xabbadu ka dul dhacaysay.

Sidoo Baaqa kasoo baxay Isimada ayaa loogu baaaqay Saraakiisha Labada dhinac in aysan xabbad dambe ridin, wax waliba xal iyo wada hadal lagu dhammeeyo.

Hoos ka akhriso Qoraalka kasoo baxay Isimada Puntland.

ISIMADA DHAQANKA EE KU SUGAN MAGAALADA BOSASO

Waxay si dhaw ula socdaan xaaladda amni ee Magaalada Bosaso oo gashey mid dagaal, taas oo Sababtey, dhimasho, dhaawac, barakac baahsan iyo burbur hantiyeed, labadii maalmood ee u danbeysey.

Haddaba xiriir  ay wada yeesheen odoyaasha dhaqanka, waxaan ku dhawaaqeen.

  1. In xabadda la joojiyo si shuruud la’aan ah
  2. In loo turo shacabka, lana caawiyo dadka ay waxyeeladu ka soo gaartey dagaalada
  3. Waxaan ku adkeyneynaa, saraakiisha kala hoggaamineysa labada dhinac in aysan xabbad danbe ridi karin.

Wa bilaaho Towfiiq

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor