Isfaham hordhac ah oo laga gaaray xiisad ka dhalatay Ciidamo la geeyay Deegaanka Mareero

Wararka ka imaanaya Degaanka Mareero ee duleedka Boosaaso ayaa ku warramaya in Isfaham hordhac ah ayaa laga gaaray Ciidamo ka kala tirsan Ilaalada Madaxtooyada Puntland iyo Maleeshiyo beeleed hubeysan.

Ciidamadii horey ugu sugnaa ayaa lagu heshiiyey in qaarkood lagu daro ciidanka Puntland ee  Deegaanka Mareero, waxaana sidoo kale lagu heshiiyay sida wararku sheegayan in  Ciidankaasi loo magacaabo Taliye cusub oo kasoo jeeda deegaankaas.

Wararku waxaa ay intaas ku darayaan in  Askar xoojin ah oo katirsan ciidanka Puntland lagu xoojin doonaa kuwii horey ugu sugnaa degaanka Mareero ee duleedka boosaaso.

Madaxweynaha Maamulka Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa horey u amray in ciidan beeleedka Mareero jooga laga qaado, si loo dajiyo ciidanka PMPF-ta ee ay Imaaraadku maamulaan, laakiin dadka deegaanka ayaa diidmo kamuujiyey ciidanka lakeenayo, waxaana taasi ay sababtay in khilaaf ka dhashayo arrintaasi, iyadoo ay jirtay xaalad kacsanaan, inkastoo hadda lagu soo warramayo in Isfahan laga gaaray.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor