Isbedel lagu sameeyay maamulka Booliska Jowhar

Taliyaha Ciidamada booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed Xajaar ayaa soo saaray wareegto xilkii looga qaaday taliyahii saldhiga Booliska degmada jowhar,isla markaana lagu magacaabayo taliye cusub.

Wareegtadaan oo kasoo baxday Xafiska Taliyaha ayaa waxaa xilka Taliyaha Saldhiga Booliska Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeellle looga qaaday dhame Maxamed Siyaad Cali canjeex .kaas oo haatan loo bedelay taliska ururka booliska .

Wareegtadaan ayaa waxaa taliyaha saldhigga degmadaasi loogu magacaabay Gaashaanle dhexe Bashiir Xasan Xalfooy.iyadoo taliyeyaasha hoggaanka cidanka booliska degaannada Hir-Shabeelle la faray inay la socdaan xilka qaadista iyo magacaabista xilalkaasi, isla markaana ay la Shaqeeyaan Taliyaha Cuusb.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor