Iran oo wacad ku martay inay u aargudi doonto Qaasem Soleimani

Madaxweynaha Iran, Ebrahim Raisi, oo ka hadlayey sannad-guuradii labaad ee ka soo wareegtay dilkii Maraykanku u geystay Jeneraal Qasem Soleimani, ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ay waajib ku tahay inuu wajaho maxkamad ku saabsan dilkaas

Iran iyo kooxaha xulafada la ah ee Ciraaq iyo waddamo kale ayaa sameeyay munaasabado lagu maamuusayo Soleimani oo ahaa taliyaha ciidamada Quds, garabka dibadda ee ilaalada Kacaanka ee ciidanka Iran

Waxaa lagu dilay weerar ay fulisay diyaarad aan duuliye lahayn January 3, 2020 oo ka dhacay waddanka Ciraaq, kaas oo uu amray madaxweyne Trump.

“Haddii Trump iyo (Xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Mike) Pompeo aan maxkamad caddaalad ah lagu soo taagin fal dambiyeedka lagu dilay General Soleimani, Muslimiintu waxay qaadi doonaan aargudasho shahiidnimo ah,” ayuu Raisi ku yiri hadal uu jeediyay Isniintii.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor