Iran oo sheegtay in Al-Shabaab ay afduub ku heysato Muwaadiniin u dhalatay dalkeeda

Mudane ka tirsan Baarlamaanka dalka IIraan ayaa faah faahin ka bixiyey muwaadiniin u dhashay dalkaas oo afduub ahaan loogu heysto Gudaha dalka Soomaaliya.

Xildhibaanka oo lagu magacaabo Abdulqafur Iranejad, ayaa xaqiijiyey afduubkaas,waxaana uu shegay in xilligaan ay socdaan dadaallo ku aadan sidii lagu sii deyn lahaa 18 kalluumeysato Iraaniyiin ah oo uu sheegay inay gacanta ugu jiraan burcad iyo argagixiso kusugan Somalia, sida uu hadalka u dhigay.

“18-ka ruux ee kalluumeysatada ah ee gacanta ugu jira Somalida, 4 waxay u xiranyihiin kooxo burcad badeed ah oo kala duwan halka 14 kalena ay u xiranyihiin kooxda Al-Shabaab,” ayuu yiri Abdolqafur Iranejad.

Waxa uu intaas ku daray in goor hore la sii daayay 4 kalluumeysato Iraaniyiin ah, isagoona uga mahad celiyay sirdoonka iyo wasiirada arrimaha dibadda oo uu sheegay inay dadaal badan ku bixiyeen sii deyntooda.

Xeebaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan Maraakiib shisheeye kuwaas oo ka kalluumeysta,waxaana mararka qaar ay la kulmaan kooxo burcad badeed ah,kuwaas oo ay wada dagaalamaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor