Imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland oo saaka bilaabanaya

Waxaa Maanta oo sabti ah la filayaa in Ardayda Dugsigyada Dhexe iyo Sare ee deegaanada dowlad Goboleedka Puntland ay u faristaan Imtixanka Shahaadiga ah ee Maamulkaas.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si rasmi ah u daah-furi doono Imtixaanka, isagoo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, waxaana socda diyaar garoow ku aadan furitaanka Imtixaanka.

Ardayda uu Imtixaanka u furi doono Madaxweyne Deni ayaa gaaraya ilaa iyo 16,500 oo arday oo dhameeysatay Waxbarashada Fasalka 8-aad ee dugsiyada dhexe iyo Fasalka 4-aad ee dugsiyada Sare.

Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa sheegtay in 11,053 Arday u fariisan doonaan Imtixaanka fasalka 8-aad ee Dugsiga, halka 5,447 oo kamid ah ardaydaasna ay u fariisan doonaan Imtixaanka Dugsiga Sare.

Ugu dambeyn Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa shaaca ka qaaday in 132 Xarumood oo ku yaalla deegaanada Puntland lagu galayo Imtixaanka shahaadiga ah ee Maanta oo sabti ah furmayo, iyadoo laga taxadarayo  Cudurka COVID-19.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media