Imaaraadka oo DFS ka taageeraya ka gudbida qiimeynta u danbeysa Arrin muhiim ah

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Hay’adda Duulista Hawada Dalka Imaaraadka Carabta Sh. Ahmed bin Saeed Al Maktoum.

Kulanka ayaa looga hadlay sida loo horumarin lahaa iskaashiga labada Dalka gaar ahaan dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan inay ka gudubto qiimeynta u dambeeya ee Hay’adda Duulista adduunka ICAO , si loo dhammeystiro hannaanka u sarreeya ee maamulka iyo adeegyada Duulista Hawada Soomaaliya.

Waxaa intaa dheer oo kulanka looga hadlay tababarka iyo horumarinta howlwadeennada Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya , iyadoo Dawladda Imaaraadka Carabta ay ka mid tahay dalalka dunidda ee ugu horreeya dhinacyadaa, halkaa oo ay sidoo kale ku yaalan xarumaha tababarka ee ugu ballaaran caalamka.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS, Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa xaqiijisay in qorshaha dhow uu yahay Soomaaliya inay door la arki karo oo dhinaca maamulka, adeegyada iyo duulimaadka Hawada ay muujiso.

“Dunidda maanta waxay boggaadinaysaa horumarka muddada yar aan sameynayno, balse hiigsigeenu intaa kuma filna, waxaan dooneynaa dalkeenna inuu noqdo kan u sarreeya waddamada gobolka.” Wasiir Fardowsa ayaa sida sheegtay.

Madaxweynaha Hay’adda Duulista Hawada , Sh. Ahmed bin Saeed Al Maktoum , ayaa dhankiisa xaqiijiyay inay ka go’antahay Dawladda Soomaaliya inay gacan ku siiyaan, horumarinta , xirfadaha iyo  shuruucda Duulista Hawada .

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor