Ilhaan Cumar oo War kulul kasoo saartay tallaabo ay qaaday Israa’iil

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Koongareeska dalka Mareykanka ayaa si kulul uga hadashay tilaabooyin burburin ah oo dowladda Israa’iil ay maalmihii dambe ka waday dhul ay xoog uga heysato Falastiin.

Qoraal ay soo saartay Ilhaan Cumar ayaa waxaa ay ku sheegtay in Israa’iil ay wado xad-gudub weyn oo dhambi ah ayna ku burburineyso guryo ay leeyihiin dad rayid ah, isla markaana xoog ku heysto, kuwaasi oo ku yaalla daanta Galbeed.

Waxaa ay sheegtay Ilhaan Cumar inay aad uga xun tahay tallaabada ay qaadeen Ciidanka Israa’iil oo ay ku burburiyeen guryihii ay daganaayeen dadkii Falastiiniyiinta ahaa, iyadoona Cambaareysay arrintaas.

Sidoo kale Xildhibaanad Ilhaan oo ah Haweeney Soomaali ah ayaa tilmaamtay in haddii Mareykanka ka aamiso tallaada ay wadaan Yuhuuda ay noqoneyso mid uu uga qeyb qaadanayo dambiyada caalamiga ah ee la galayo.

“Waxa socda waa xad gudub weyn oo dambi ah haddii Maraykanku ka aamiso waxay la mid noqoneysaa iney ka qeyb qaadaneyso dambiyada caalamiga ah ee la galayo.” ayay tiri Xildhibaan Ilhaan Cumar oo qoraal soo saartay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media