Ikraan Tahliil hooyadeed “Al-Shabaab ma dilin gabadheyda, NISA ayey ku maqan tahay”

Qaali Maxamuud Guhaad, oo ah hooyada dhashay Ikraam Tahliil Faarax, ayaa gaashaanka u daruurtay in gabadheeda ay dileen ururka Al-Shabaab.

Warka dilka Ikraan oo ka tirsaneyd hay’adda sirdoonka Soomaaliya ayaa caawa fiidkii lagu shaaciyay warbaahinta dowladda, kaas oo tilmaamay in ururka Shabaab ay afduubteen gabadhaas kaddibna ay dileen, iyadoo aanan lagu darin wax faafaahin ah oo intaasi dheer.

Hasayeeshee hooyo Qaali ayaa sheegtay in hay’adda sirdoonka qaranka ee NISA ay “ku raadganayso warkaas, iyagana ay mas’uul ka yihiin gabadheeda la la’yahay.”

Waxa ay ku adkaysanaysaa in illaa hadda uusan jirin war cad oo qeexaya xaalka gabadheeda geeri iyo nolol toona.

Ma jiro illaa hadda wax war ah oo arrintan la xiriira oo si rasmi ah uga soo baxay hay’adda sirdoonka ee Soomaaliya.

Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad, waxa ay khakda taleefanka ugu warrantay weriyaha BBCda, Cabdifitaax Ibraahim Cagayare, oo marka hore waydiiyay sida uu ku soo gaaray warka geerida gabadheeda?

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor