Iiraan oo soo saartay Waaran Caalami ah oo lagu soo xirayo Donald Trump

Dawladda Iiraan ayaa soo saartay amar xarig ah oo ka dhan Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, iyadoo ka codsatay Booliiska caalamiga ah ee INTERPOL inay gacan ka geystaan soo qabashadiisa.

Iiraan ayaa sheegtay in Madaxweyne Donald Trump iyo xubno kale oo badan ay ka dambeeyeen duqeyntii lagu dilay Taliyihii ugu sareeyay Ciidanka Iiraan ee Qaasim Suleymaani, kaasi oo la dilay horaantii Bishii January ee 2020.

Xeer Ilaaliyaha Tehran Ali Alqasimehr ayaa Maanta oo Isniin waxaa uu sheegay in Trump iyo in ka badan 30 qof oo kale ay ku lug lahaayeen weerarkii lagu dilay General Qassem Soleimani , waxaana falkaas ay ku tilmaameen inuu ahaa mid argagixisanimo, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee ISNA.

Sidoo kale Alqasimehr ma uusan cadeynin qof kale oo raadinaya oo aan ahayn Madaxweynaha Mareykanka Trump, hayeeshee wuxuu carabka ku adkeeyay inay Iiraan sii wadi doonto sii wadida dacwad ka dhan ah Trump.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media