Iiraan iyo Shiinaha oo Maanta kala saxiixday heshiis rubuc qarni soconaya

Wasiirrada arrimaha dibadda Shiinaha iyo Iran ayaa maanta oo Sabti ah kala saxiixday heshiis iskaashi oo 25 sana soconaya.

“Xiriirka ka dhaxeeyey labada dal wuxuu iisu beddelay heer iskashi istiraatiijiyad ku dhisan, Shiinahana wuxuu doonayaa inuu sii xoojiyo xiriirka uu la leeyahay dalka Iran,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha Wang Yi oo ay soo xigatay warbaahinta Iran inuu dhiggiisa Maxamed Javad Zariif uu sidaa ku yiri.

“Xiriirka aan la leennahay Iran ma saameynayo arrimaha wakhti xaadirkan taagan, balse waa mid joogta ah oo istiraatiijiyad ku qotomo”, ayuu yiri Wang oo ka hadlay munaasabadda lagu saxiixayey heshiiska iskaashu ee labada dal.

Wang ayaa heshiiska ka hor kulan magaalada Tehran kula yeeshay madaxweynaha Iran Xasan Rouhani, heshiiskaasi oo la filayo iney ku jiraan maalgashiga shiinaha ee qaybaha muhiimka ah sida tamarta iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Rouhani wuxuu bogaadiyey taageerada ay Beijing ka muujisay heshiiski nukliyeerka ee 2015-tii ee ay la gashay quwadaha waaweyn ee dunida, iyo baaqa ay caalamka u dirtay in tallaalka ka hortagga fayraska korona la gaarsiiyo Iran maadaamaa uu yahay waddanka keli ah ee bariga dhexe ku yaalla uu sida aadka ah u saameeyey cudurka safmarka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor