Hub iyo gaadiid lagu qabtay magaalo ka tirsan Galmudug iyo howlgal socda

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ee sida gaarka u tababaran ee Haramcad iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan ka sameeyay Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Ciidanka howlgalka sameeyay ayaa gacanta ku dhigay rag farabadan oo gudaha Caabudwaaq ku dhex-watay hub sharci darro ah, isla markaana lagu xir xiray xabsi ku yaalla halkaas, sidoo kalena lagu wado baaritaano.

Waxa kaloo Ciidamada Haramcad iyo kuwa NISA Galmudug ay howlgalka ku qabteen gaadiid nooca dagaalka oo ay ku rakiban yihiin qoryo, kuwaasi oo qaarkood lahaayeen rag maleesshiyaad ah oo howlgalka qabtay.

Saraakiisha hoggaaminayay Ciidanka ayaa sheegay in ragga la qabtay maalmaha soo socda loo gudbin doono Maxkamadda dowlad Goboleedka Galmudug, si sharciga loo marsiiyo, maadaama ay in muddo ah hub sharci darro heysteen.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka dowladda ayaa tilmaamay in howlgal kale weli uu ka socdo Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, kaasi oo lagu doonayo in lagu xaqiijiyo amniga Magaaladaas oo u muuqda mid faraha kasii baxaya.

Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa bilihii ugu dambeeyay ka dhacayay dilal iyo weeraro la xiriira aanooyin qabiil, isla markaama ay geysteen rag hubeysan oo maleeshiyaad ah, waxaana falalkaas markii dambe ay isku bedelaan dagaal beeleed geysta khasaaro kala duwan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media