Howlgalo saakay ka socda Magaalada Baladweyne

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa Saakay waxa ay howlgalo ka wadaan Xaafaddo ka tirsan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Howlgalkan ay sameeynayan Ciidamada dowlada ayaa waxa uu si gaar ah uga socdaa xaafaddaha ay ka kooban tahay Magaalada, kadib markii xalay halkaasi lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka dowlada Soomaaliya,xili uu ku sugnaa meel ku dhow Saldhiga Booliska Baladweyne.

Sarkaalka xalay lagu dilay gudaha Baladweyne ayaa waxa lagu magacaabi jiray Muumin Xasan,waxaana dilka u geystay kooxo ku hubeysnaa bastoolado,iyagoona goobta ka baxsaday dilka kadib.

Dad ku sugan Magaalada Baladweyne ayaa waxa ay sheegeen in howlgalkan saakay ay Ciidamada dowlada ka wadaan gudaha Magaalada ay ku soo qab qabteen dad u badnaa dhalinyaro kuwaasi oo hadda baaritaano ay ku socdaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor