Howlgallo ka socda Gobalka Hiiraan iyo Mas’uuliyiin qayb ka ah

Waxaa wali Gobolka Hiiraan ka socda Howgallo Culus oo ay iska kaashanayan Ciidanka Xoogga dalka iyo kooxda Macawislayda ee dagaalka xooggan kula jira dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Masuuliyiin isugu jiro Xildhbaanno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamulka HIrshabeelle iyo Maamulka Gobolkaasi ayaa qayb ka ah howgallada, waxaana saacadihii lasoo dhaafay degmooyin iyo degaanno kale gaaray masuuliyiin kala duwan.

Degmada Buula Burde ee Gobolkaasi Hiiraan waxaa gaaray Masuuliyiin uu ka mid yahay Xildhibaan Golaha shacabka Maxamed Ibraahim Moalimuu, waxaana socdaal ay ku mareen qaybo ka mid ah degmada.

Macalimuu iyo Masuuliyiinta kale ee Gobolka Hiiraan ayaa socdaalkooda ku sheegay in uu yahay mid ay ku dhiirragalinayaan Ciidanka ku sugan furumaha hore ee dagaalka.

Degmada Buula Barde ee Gobolka Hiiraan waxaa dhawaan soo gaaray Guddoomiyaha Gobolkaasi Cali Jeyte Cismaan iyo Masuuliyiin kale, kuwaasi oo safar dhulka ah kaga soo amba-baxay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana intii uu ku sugnaa degmada uu l kulmay Odayasha iyo waxgaradka degmada, isagoo kala hadlay dagaalka Al-Shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor