Howlgalka la-dagaalanka Burcad Badeeda Soomaaliya oo muddo kordhin loo sameeyay

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay Jimcihii in Ciidamada badda ee caalamiga ah ay sii wadaan adeegsiga dhammaan hababka lagama maarmaanka ah ee lagula dagaallamayo burcad-badeedda Soomaaliya.

Golaha ayaa u Coddeeyay in howlgalka la-dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya loo kordhiyo hal sanno, balse dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan dhicin wax burcad-badeed ah muddo afar sano, lana joogo waqtigii la joojin lahaa hawlgalka.

Golaha Ammaanka ayaa muddo 12 bilood ah dib u cusboonaysiinayay oggolaanshaha ururrada gobolka iyo dalalka ay kula dagaallamayaan budhcad-badeedda iyo dhaca hubaysan ee xeebaha Geeska Afrika.

Dowladda Soomaaliya oo sanadkaan ogolaansho looga baahan yahay ayaa ka hortimid dib u cusbooneysiin sanad kale ah oo uu dalbaday dowladda Mareykanka oo soo diyaarisay qaraarka, waxaana ay ogolaatay kaliya seddex bilood ka dib wadahadalo lala yeeshay Mareykanka iyo xubnaha kale ee golaha.

“Waxaan rumeysannahay in go’aannada ka soo baxay golaha ammaanka ee ku saabsan burcadbadeedda iyo dhaca hubeysan ee xeebaha Soomaaliya ay si guul leh u gaareen hadafkii laga lahaa,” ayuu danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Abuukar Daahir Cismaan u sheegay golaha kaddib codeynta.

Safiir Abuukar Cismaan waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ogolaatay muddo kordhin saddex bilood ah oo ay ku ogolaatay u gudbida hab-raaca laba geesoodka ah ee ka dhex jira biyaha qaranka Soomaaliya “si ay nooga caawiyaan amniga badda, taas oo ah habka kaliya ee lagu ilaalin karo guulaha la kasbado”.

Qaraarka Golaha Ammaank ayaa waxa uu soo dhaweeyey hoos u dhaca joogtada ah ee afduubka maraakiibta ee xeebaha Soomaaliya tan iyo 2011 iyo in aanay jirin wax afduub ah oo lagu guulaystay oo madax furasho ah oo la soo sheegay ilaa March 2017.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor