Howlgal saaka ka socda xaafado ka tirsan Magaalada Baladweyne

Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay howlgalo kala duwan ka wada xaafado ka tirsan Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, sida ay sheegayaan wararka halkaas laga helayo.

Ciidamada amniga dowladda ayaa howlgalka ka wada inta badan xaafadaha Magaalada, iyagoona baaritaano ku saameynaya gaadiidka kala duwan eeb isticmaalaya waddooyinka iyo goobo bartilmaameed u ah Ciidanka.

Dad u badan dhalinyaro ayaa lagu soo warramay in howlgalka lagu soo qabtay, kuwaasi oo looga shakiyay falal la xiriira amni darro, isla markaana waxaa la geeyay Saldhiga Magaalada, si baaritaano lagu saameyo.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka howlgalka wada ayaa laga soo xigtay in ujeedka saakay howlgalkaas Baladweyne uga socda uu yahay mid lagu doonayo in lagu xaqiijiyo amniga, si looga hortego falal amni darro oo dhaca.

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa mararka qaarkod ka dhaca dilal qorsheysan, mana jiro weli wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga magaalada oo ku aadan howlgalka socda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media