Howlgal lagula dagaalamayo ka Ganacsiga Maandooriyaha oo ka bilaabanaya Muqdisho

Kulan looga hadlaayay amniga Magaalada Caasimadda ah Muqdisho ayaa Maanta waxaa yeeshay Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana kulanka shir guddoomiyey Taliyaha Booliska Gobolka Farxaan Maxamuud Qaroole.

Kulanka ayaa waxaa laga saaray amaro looga hortegayo waxyaabaha maanka dooriya oo maalmihii lasoo dhaafay kusoo badaneyey Muqdisho, iyagoona maandooriyeyaasha lagu iibiyo Magaalada cabasho ka muujiyeen dadka shacabka.

Taliye ku-xigeenka qeybta Guud ee Booliska Gobolka oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in dhawaan Muqdisho ay ka bilaabi doonaan howlgalo lagula dagaalamayo dadka Isticmaala iyo kuwa ka Ganacsada Maandooriyeyaasha noocyadiisa kala duwan.

Taliye Saciid Cali Maxamuud ayaa sheegay in howlgalka si gaar ah loogu beegsan doono kooxo hubeysan oo ilaaliya warshadaha Maandooriyaha lagu sameeyo iyo kuwa ka ganacsada, uuna Maamulka Gobolka uu diyaariyey goobo la geeyo dadka loo qabto Istimaala maandooriyaha

Wuxuu intaas kusii daray Taliye ku-xigeenka qeybta Guud inay baabi’in doonaa warshadaha Maandooriyaha lagu sameeyo, isla markaana tallaabo sharci ah laga qaadayo cid kasta oo loo soo qabto falalka amni darro iyo isticmaalka maandooriyaha.

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aaday, xili shalay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish uu sheegay in degmada Kaaraan ay noqotay Suuq lagu iibiyo Daroogada, iyadoona laamaha amniga sheegeen in wax ka qaban doonaan falalka amni darro ee soo batay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor