Howlgal lagu soo qab-qabtay Dad badan oo laga sameeyay Degmooyin ka tirsan Muqdisho

Ciidanka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Booliska ayaa xalay howlgalo saacado dhowr ah qaatay waxaa ay ka sameeyeen degmooyinka Boondheere iyo Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir, iyada oo howlgal lagu soo qab-qabtay dhallinyaro farabadan.

Ciidamada Booliska ayaa inta uu socday howlgalka su’aalo la xiriira amniga weydiinayey dhallinyaro farabadan oo howlgalka lagu soo qab-qabtay, kuwaasi oo la isugu geeyay goob barxad ah, waxaana laamaha amniga ay wateen qaar kamid ah ragga la qabtay.

Sidoo kale howlgalka ayaa waxaa barbar socday baaritaano lagu sameeynayey gaadiidka dhex marayay waddooyinka xaafaddaha degmooyinka Boondheere iyo Warta-nabadda ee uu howlgalka ka socday, iyadoona meelaha qaar la hakiyey isku socodka gaadiidka.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa waxaa ay sheegeen in ujeedka howlgalka la sameeyay uu ahaa mid lagu doonayey in lagu xaiijiyo ammaanka Magaalada, isla markaana looga hortegayay waxyaabaha maanka dooriya.

Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii dambe kusoo batay falalka amni darro sida dilal qorsheysan oo ay geysanayaan rag dhallinyaro ah oo bastoolado ku hubeysan iyo kooxo ciyaar weero burcad ah oo dadka dhac u geysta, kadibna dila, iyaga oo waxba galabsan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor