Howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo la fuliyay

Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waaberigii hore ee saakay waxaa howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaano ka tirsan Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Howlgalka Ciidamada ayaa sigaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Xariima oo ka tirsan Degmada Diinsoor, waxaana la sheegay in halkaas ay ku sugnaayeen xubo ka tirsan Al-shabaab.

Inta uu socday howlgalka Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa deegaanka Xariima ka dhacay dagaal kooban oo u dhexeeyay Ciidanka iyo Al-shabaab, kaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Guddoomiyaha Diinsoor Cabdisalaan Xaaji Diyaar oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu u sheegay in howlgalkii saakay ay ku dileen laba xubnood ka tirsanaa Al-shabaab , isla markaana waxaa Meydadkood lagu soo bandhigay degmadaas.

Sidoo kale Guddoomiye Cabdisalaan Diyaar ayaa waxaa uu tilmaamay in dagaalka uu ku dhaawacmay Abaanduulaha Ciidamada koonfur Galbeed Taliyow Macalin Ibraahim oo xaaladiisa Caafimaad lagu dabiibayo Xarun Caafimaad.

Dagaalo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Koonfur Galbeed iyo Al-shabaab ayaa dhowr jeer waxaa ay ka dhaceen deegaano ka tirsan Gobolka Baay, waxaana inta badan dagaaladaas ka dhashay Khasaarooyin kala duwan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media