Howlgal ka dhan ah Maleeshiyaadka hubeysan oo looga dhawaaqay Baladweyne

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa si kulul uga hadlay weerarkii dhabba-galka ahaa ee hebeeno kahor lagu qaaday kolonyo galbineysay isaga iyo Mas’uuliyiin kale, xili ay marayeen xaafad ka tirsan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolkaas.

Guddoomiye Cali Jeyte oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay inay weerarka oo ay kusoo qaadeen maleeshiyaad hubeysan lagu doonayay in lagu dilo, hayeeshee uu ka badbaaday isku daygaas dil oo uu sheegay inay ka dambeeyeen rag oo wada u galay.

Wuxuu nasiib darro ku tilmaamay falkii dhacay oo uu sheegay in haddana iyaga oo ka yimid howlgalo shaqo oo ay u aadeen degmada Feer-feer ee Gobolka Hiiraan lagu eedeeyo inay iyagu weerarku qaadeen, isagoona xusay in mar qura  rasaas xoogan lagu bilaabay, xili maqrib ah.

Cali Jeyte ayaa Carabka ku dhuftay in wax la aqbali karo aysan aheyn in maleeshiyaad kasoo horjeeda Hirshabeelle ay isaga dilaan, isla markaana waxaa uu ku dhawaaqay Howlgal ka dhan ah raggaas hubeysan ee ku sugan Magaalada Baladweyne.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa si adeg u faray laamaha amniga Baladweyne inay sugaan ammaanka Magaalada, ayna ka hortagaan cid kasta oo dhibaato wada ee hubeysan ama isku dayda,isagoo xusay in sharciga la horgeyn doono dadkii ka dambeeyay weerarkii dhacay.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhasha dagaal xoogan oo Magaalada Baladweyne ku dhexmaray Ciidanka Hirshabeelle iyo kuwo uu watay Sarkaal lagu magacaabo Nuur Dheere, waxaana la qab-qabtay maleeshiyaadkii ka dagaalamay halkaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor