Laamaha ammaanka Magalada Gaalkacyo ayaa Caawa howlgallo ballaran oo ay sameeyeen waxaa ay kusoo qabten dad looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab.
Warar hoose oo soo baxaya ayaa tilmaaamya in Caawa magaalada Gaalkacyo lagu qabtay labo Nin iyo Gaari ay wateen, kuwaasi oo ay gacantta ku dhigeen Laamaha ammaanka Magaaladaasi, waxaana la sheegayaa in raggaan laga shakisan yahay.
Labada ruux ee la qabtay ayaa waxaa ku socda Baaritaan, waxaana ay kasoo galeen Magaalada dhanka Maamulka Puntland, sida warar hoose oo aan helnay ay sheeegayaan.
Waxaa ku socda Baaritaanno sida ay sheegeen laamaha ammaanka, iyadoo labada Nin ee la qabtay la sheegay in aysan qayb ka ahayn dadka degaanka, ayna yihiin labo ruux oo ku cusub degaanka sida la sheegay, kuwaasi oo laamaha ammaanku sheegayaan in ay kaga shakisan yihiin Shabaabnimo, haddana ay baaritaan ku wadaan.
Tan iyo markii Gaalkacyo uu ka dhacay Qaraxii Saraakiisha lagu laayay, Laamaha ammaanku waxaa ay wadaan howlgallo dheeraad ah oo ammaanka lagu xaqiijinayo.