Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska ayaa xalay howlgalo amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay xaafaddo ka tirsan degmada Warta-nabadda ee Gobolkaan Banaadir, waxaana howlgalka hoggaaminayay Taliyaha Saldhiga degmadaas.
Ciidamada Booliska ayaa howlgalka inta uu socday waxaa ay kusoo qab-qabteen rag u badan dhallinyaro oo qaarkood looga shakiyay falal amni darro, iyagoona sidoo kale Ciidamada baarayay guryaha iyo gaadiidka isticmaalayay waddooyinka.
Muuqaalo laga soo duubay Ciidamada howlgalka ku jiray ayaa lagu arkayay iyaga oo baaritaano kala duwan ku sameeynayay guryo ay gudaha u galeen Ciidamada, waxaana la hubinayay alaabaha iyo dharka yaalla guryaha howlgalka laga sameeyay.
Taliyaha Saldhiga degmada Warta-nabadda Cabdullaahi Xasan Cali Madoobe oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa mid lagu doonayay in lagu xaqiijiyo amniga degmada, sidoo kalena looga hortego mukhaadaraadka.
Wuxuu intaas kusii daray Taliye Cabdullaahi Madoobe in howlgalka lagu soo qab-qabtay rag dhallinyaro ah oo qaarkood uu sheegay in laamaha amniga ay baaritaano ku wadaan, kadib markii looga shakiyay falal amni darro.
Gaba-gabadii Taliyaha Saldhiga degmada Warta-nabadda Cabdullaahi Xasan Cali Madoobe ayaa Carabka ku dhuftay inay ka hortegi doonaan Ciyaal weerada, isla markaana howlgalka la sameeyay uu noqon doono mid sii socda, si loo xaqiijiyo amniga Magaalada.