Howgal ka dhan ah Maandooriyaha oo laga sameeyay Gaalkacyo

Duqa Degmada Gaalkacyo  Cabdiraxmaan Shiikh Xassan oo ay weheliyaan Taliye ku Xigeen Qeybta Booliska Gobolka Mudug, Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada iyo Saraakiil kasocday Hay’adda NISA ayaa ka qeyb galay Hawlgal Amniga Magaalada Gaalkacyo lagu Xasilinayo oo ay si Wadajir ah u Fuliyeen Ciidamada Nabad Sugida Iyo Booliska.

Hawlgalkaan oo laga sameeyay Xaafadaha Iyo Wadooyinka Muhiimka ee Gaalkacyo ayaa lagu ciribtirayay kooxaha caadaystay in ay qalqal geliyaan Amniga Magaalada sida kooxaha Maandooriyaha ka ganacsada iyo kuwa isticmaala oo khatar ku ah Amniga Degmada, waxaana lagu qabtay tiro dad ah oo ay kala saari doonaan hay,adaha Amnigu.

Cabdiraxmaan Shiikh Xasan Maayarka Degmada Gaalkacyo ayaa sheegay in aan cidna loogu dulqaadan doonin in ay qashqashaado Amniga iyo Xasiloonida Gaalkacyo isagoo sheegay in Hawlgalkaan uu si joogto ah u socon doono.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor