Hooyo Uur laheyd oo kufsi iyo Dil loogu geystay Galgaduud

Wararka aan ka heleyno duleedka Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saacadihii lasoo dhaafay lagu gowracay Hooyo uur laheyd oo xalay la waayay.

Meydka Hooyada ayaa waxaa laga helay deegaan ku yaalla duleedka Caabudaaw, isla markaana waxaa halkaas ku arkay dad xoolo dhaqto ah oo kusoo wargeliyay Ehelada Hooyada oo la’aa, baadi goobna ugu jiray.

Marxuumada oo lagu magacaabi jiray Ubax Maxamed Yaxye ayaa laheyd Uur saddex bilood ah, waxaana la sheegay in baaritaan lagu sameeyay kadib la ogaaday in inta aan la dilay kahor la kufsaday Hooyada.

Xubno ka tirsan qoyska Marxuumada oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in dilka kahor lagula kacay fal kufsi ah, isla markaana lagu sameeyay baaritaano, sidaasina lagu xaqiijiyay la kufsi iyo dil la isugu daray.

Ciidanka amniga Maamulka Galmudug ayaa wada baaritaano oo lagu soo qabanayo dadkii ka dambeeyay falkaas Argagaxa lahaa, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in dadkaas falkaas ay baxsadeen, wallow ay socdaan howlgalo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media