Hooyada Ikraan Tahliil “Natiijada hardhaca ah ma ahan mid aan ku qancayno, waaa wax laga soo shaqeeyay”

Xeer ilaalinta maxkamadda milatariga Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan usoo bixin wax caddaymo ah oo muujinaya in Ikraan Tahliil Faarax ay ku maqan tahay gacanta saraakiisha hay’adda nabadsugidda NISA.

Qoyska Ikraan Tahliil Faarax ayaa horey u sheegay in gabadhoodu ay ku maqan tahay hay’adda nabasdugidda ee NISA, waxayna sheegeen inay doonayana inay caddaalad helaan.

Qaali Maxamuud Guhaad oo ah hooyada dhashay Ikraan Tahliil ayaa ku gacan sayrtay Natiijada hordhaca ah ee ay soo saareen Guddigii loo xilsaaray Kiiskii Marxuumad Ikraaan tahliil, waxaana intaasi ay ku dartay in arrintani ay tahay mid marin habaabin ah.

Sida loo baaray Kiiska ayay Qaali Maxamuud Guhaad oo ah hooyada dhashay Ikraan Tahliil sheegtay in wali caddaalad ay ka sugayso Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya maxamed Xuseen Rooble, iyadoo codsatay in si cadaalad ah baaritaan dhab ah loogu sameeyo Kiiska, sidoo kalena wax kama jiraan ku tilmaamtay Natiijadii guddigu soo saaray ee horudhaca u ahayd baaritaankii ay wadeen tan iyo markii la magacaabay.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor