Hoggaanka Madasha Xisbiyada oo Shir Deg-deg ah u socda

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan Shir Deg deg ah uga socdaa hoggaanka sare ee Madasha Xisbiyada Qaran oo ay hogaamiyaan Madaxweyneyaashii hore ee dalka  Sheekh Shariif Sh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkaas ayaa waxaa looga hadlayaa Shirkii Maanta Magaalada Jabuuti uga furmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kaasi oo looga hadlayo arrimo kala duwan.

Sidoo kale Shirka u socda Hoggaanka sare Madasha Xisbiyada ayaa waxaa looga hadlayaa aragtida Madasha uga aadan sida u aragto Shirka ka socda Jabuuti oo uu Guddoominayo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Waxaa shirka Jabuuti ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo xubno kale oo ka tirsan Beesha ee taageerta Soomaaliya, waxaana shirkaas uu yahay mid Allbaabada u xiran yihiin oo ay adeg tahay in xog laga helo Arrimaha looga hadlayo.

Si kastaba saacadaha soo socda ayaa la filayaa Hoggaanka sare ee Madasha Xisbiyada Qaran ay soo saraan Mowqifkooda ku aadan Shirka Soomaaliya iyo Somaliland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media